Daawo sawirrada arrin naxdin iyo yaab abuurtay oo ka dhacday HARGEYSA !!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Hargeysa ayaa ku tilmaamay dhacdo uur ku taalo badan, kadib markii Labo wiil oo dhalinyaro ah ay isku dal-daleen labo meel oo kala duwan oo duleedka Hargeysa ah.

Dad shacab ah ayaa kusoo toosay subaxnimadii Isniinta, meydadka Labadan wiil oo midba gooni geed iska soo laalaadiyay, waxayna noqotay dhacdo xanuun badan oo lala yaabay. Lama garanayo sababta dhabta ah ee wiilashan nafsatood u haligay, mana jirto war cad oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Meydadka labadan wiil ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, si baaritaan loogu sameeyo.

Dhacdooyinkan ayaan aheyn kuwo ugub ah, balse horay ayaa sidan oo kale ay ugu dhaceen magaalada Hargeysa, iyadoo sanadkii hore labo kiis oo kuwan oo kale ah uu ka dhacay.

is-daldal

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com