GAAS oo MADAXWEYNE XASAN la meel dhiggay AUN Maxamed SIYAAD BARRE

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka Soomaaliyeed uga digay in aysan ku kadsoomin wax uu ugu ku sheegay hoggaan la mid ah kii kacaankii ee uu madaxweynaha ka ahaa allaha ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Gaas oo ku hadlaayay luuqada Ingiriis56ka isagoo ka hadlaayay xaflad lagu xusaayay sannad-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay oo lagu qabtay Garoowe, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay kala gartaan dadka hoggaaminaya iyo qorshaha ay lee yihiin, wuxuuna sheegay in ay qalad tahay in la taageero hoggaan la mid ah kii millitariga ee Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu sheegay oo kale in aysan jirin cid lagu qasbi karo wax aaney rabin.

Hadalkaas ayaa u muuqda mid uu ku weerarraayay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, maadama maamulkiisa iyo dowladda fedaraalka uu xumaaday xiriirkooda wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiis lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobolada dhexe.

Puntland ayaa u muuqata caqabad markasta hor taagan dowladda kasta oo Soomaaliya ay yeelato maadama ay dooneyso in ay ka awood badato maamul gobaleedyada aasgeed ee ka dhisan dalka.

Sidda ay aamisan yihiin dad badan, dowladda Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in ay la timaado siyaasad cad oo ay kula dhaqanto awooda dheeriga ah ee maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com