DF oo ballan qaaday soo deynta wariye Soomaali ah oo ku xiran Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ballan qaaday in uu booqon doono xabsiga uu ku xiran yahay wariye Maxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaano Boqorka Bartamaha kaasoo muddo dhowr bilan si caddaalad darro ah ugu xiran xukuumadda Addis Ababa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu maanta oo Talaado u socdo dalka Itoobiya isagoona tilmaamay in uu xukuumadda Addis Ababa uu kala hadli doono xarrigga wariye Boqorka Bartamaha oo ku dhibaateysan xabsi Addis Ababa ku yaalla.

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka sheegay markii uu habeenkii xaley xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah madaxda warbaahinta maxalliga ah, kaasoo uu kala hadlay siddii ay dowladda iyo warbaahinta u xoojin lahaayeen wadashaqeynta ka dhexeysa.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey ayaa ka cararay magaalada Muqdisho kaddib markii ay kordheen beegsiga suxufiyiinta, wuxuuna u tahay dalka Itoobiya siddii uu nafsadiisa ugu badbaadin lahaa.

Wariyaha ayaa ka mid ahaa Soomaali badan oo lagu xiray xaafadda A Bole oo ku dhow garoonka diyaaradaha Addis Ababa halkaasoo uu ka dhacay qarax fashilmay oo la rabay in lagu qaado garoon kubadda cagta oo ay ku cayaarayeen xulka qaranka Itoobiya iyo koox kale.

Wariyaha ayaa lagu soo qabtay howgal ka dhacay xaafadda uu qaraxa ka dhacay oo ay ku dhinteyn labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii qaraxa diyaarinayay.

Ma jirto cid ilaa hadda arrinta xarriga wariye Boqorka Bartamaha wax ka qabtay, waxaana uu ka mid yahay suxufiyiin fara badan oo si xaq-daran ugu xiran xukuumadda Addis Ababa.

Dalka Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com