C/Weli oo qiil yaab leh u yeelay hub ka dhigista XAMAR “Villa Somalia ayaa…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa cudur daar yaab leh u sameystay hub ka dhigista reer Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in hubkii lagu soo weerarray xarumaha baarlamaanka iyo madaxtooyada ay ahaayeen kuwa laga keenay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in howgallada ka dhacay magaalada Muqdisho dhowrkii cisho ee la soo dhaafay aaney ahayn kuwa hub ka dhigis guud ah ee uu ahaa howgallo kooban oo lagu bartilmaameesanaayay goobo gaar ah oo loo arkay in ay khatar ku yihiin ammaanka Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in uu jiray xog ay heleyn hey’addaha ammaanka kaasoo la xiriirta weerarro xooggan oo la rabay in Muqdisho laga fuliyo, balse laga hortagay sida uu yiri.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay soo baara weerarkii 15-kii bishan lagu qaaday gurri uu lee yahay guddmooyihihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci).

Wuxuu ku celcliyay guddigaas in laga rabo in ay xog dhammeestiran ka keenaan sidda uu u dhacay howgalka, cidda fulisay iyo wax yaabaha qaladka ah ee dhacay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku amray wasiirka ammaanka qaranka in uu caddeeymo buuxa oo ku aadan howgalkii Wadajir in uu u soo gudbiyo golaha wasiiradda xukuumadiisa.

Raysal wasaaraha ayaa ugu baaqay ururada bulshadda in ay xukuumadda ku gacan siiyaan ammaanka magaalada Muqdisho si nabadgalyo iyo ammaanka ay u noqoto caasimada.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqda mid shaki galinaya in howgalkii lagu qaaday gurriga Axmed Daaci uu ahaa mid madaxda dowladda aaney ka warqabin ama aaney taageersaneyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com