Ujeeddada KAY uu u tagay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta oo Isniin ah ka dagay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nichalas Key.

Key ayaa ka soo kicitamay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo shaley lagu qabtay xaflad lagu xusaayay sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii la dhisay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online ee ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegay in uu danjire Key uu la kulmay madax ka tirsan maamulka Somaliland.

Danjire Key ayaa garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland,Mowliid Maxamed Ibraahim, waxaana markii dambe uu la hadlay saxaafadda.

Wasiir ku xigeenka ayaa ka warbixiyay xiriirka UNSOM iyo Somaliland gaar ahaan isooga u kala qeybiyay labo qeyb oo kala ah siyaasadda iyo bini’aadinimada, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ay la shaqeeyaan xafiiska bini’aadinimada.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa tilmamaay in ay ku rajo weyn yihiin in uu sii xoogeysto xiriirka labada dhinac.

Geesta kale, Danjire Nichalas Key ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu markii labaad soo booqdo Hargeysa isagoona tilmaamay in uu saakay si nabadgalyo leh uu uga soo kicitamay magaalada Hargeysa isla markaana uu maalin joogi doono Hargeysa, isagoona la kulmay madaxweyne Siilaanyo, wasiirada maamulkiisa iyo hey’adda QM ee ka shaqeeya Somaliland.

Sida qorsha uu yahay, maalinta berri ah ayaa la filayaa in uu danjire Key uu la kulmo madxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Booqashada Ambassador Key ayaa timid markii casuumaad ay u fidisay xukuumadda Somaliland dhawaan waxaana la filayaa inta uu joogo in uu la kulmo hey’addaha QM ee ka shaqeeya Somaliland si uu qiimeeyo howlaha ay halkan ka hayaan.

Xiriirka UNSOM iyo Somaliland ayaa xumaaday bartamihii sannadkii hore markii Somaliland ay qaadacday in ay la shaqeyso xafiiska UNSOM.

Ma cadda cidda tanaasul muujisay ee ku aadan mowqifkii ay kal horre taagneed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com