XOG: DF Somalia oo siyaasad cajiib ah gool uga dhalisay Puntland iyo S/LAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa cayaartay siyaasad cusub oo cajiib ah, taasi oo ay kaga adkaaneyso maamulada Somaliland iyo Puntland, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka ay tahay maskaxda ka dambeysa in Cali Khaliif Galayr uu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

“Galayr iyo dowladda waa ay is og yihiin, ayadaa halkan ka dirtay, dhaqaale bandanna siisay, si loo dhiso maamulka Khaatumo State, taasi oo lagu wiiqayo awoodaha maamulada Somaliland iyo Puntland” waxaa sidaas yiri qof xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somalia, oo Caasimada Online la hadlay.

Waxa uu sheegay in inkasta oo maamulka Khaatumo uu horey u jiray, haddana madaxweynenimada Galayr ee maamulkaas ay miisaan culus ku dareyso maamulka, ayna tahay arrin ay dowladda dooneysay.

Maamulka Khaatumo State, ayaa ka kooban gobollada Sool iyo Sanaag, oo ay Somaliland iyo Puntland labada sheegtaan.

Xogta Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in beesha caalamka ay sidoo kale qorshahan la ogtahay dowladda federaalka, islamarkaana la filayo in dhowaan ay dowladda aqoonsato Khaatumo State, caalamkuna uu taageeri doono.

Waxa ay tani ka dhigi doonaa in maamulka Somaliland kusoo koobmo saddex gobol, halka Puntland uu noqon doono kaliya laba gobol, maadaama horey Mudug loo raaciyey Gal-Gaduud.

Aqoonsiga DF iyo beesha caalamka ee Khaatumo State, ayaa sidoo kale suurta gelin doona in Somaliland iyo Puntland ay joojiyaan gardarrada ka dhanka ah dadka Sool iyo Sanaag iyo ku dagaalanka dhulkooda, haddii kalena ay wajihi doonaan cadaadis caalami ah.

Waa guul usoo hoyatay reer Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com