Ciidamada nabad-sugidda oo weeraray hogaamiye ka tirsan Burcad-badeedda & hub lagu qabtay gurigiisa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya oo weheshanaayay kuwa AMISOM ayaa waxa ay weerar ku qaadeen Hooy uu Magaalada Muqdisho ka degan  yahay Hoggaamiye ka tirsanaa Burcad-badeeda Somalia.

Hogaamiyahaani ay Ciidamada Nabadsugida ku weerareen Hooygiisa, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Gafaaje.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir, waxaana guriga Hogaamiyahaasi lagu soo qabtay Hub farabadan oo u badnaa Daba-jeexyo ay ku weerari jireen Maraakiibta ay afduubka u geysanayeen.

Saraakiisha Ammaanka ee hogaaminaayay Howlgalka ayaa inoo xaqiijiyay in Hooyga Maxamed Cabdi Gafaaje  ay kusoo qabteen 15 Xubnood oo ka tirsanaa Istaafkiisa iyo Hub, Gaadiid dagaal.

Dhanka kale, Hogaamiyahaasi ayaa waxaa iminka lagu xiray Xabsi ku yaalla Madaxtooyada waxaana sidoo kale halkaasi lala geeyay Hubkii iyo Gaadiidkii lagu soo qabtay Hooygiisa.

Maxamed Cabdi Gafaaje oo deegaan ahaan ka soo jeeda Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu ahaa ku-xigeenkii  Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo Dalka Biljimka ku xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com