Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka safaaradda TURKEY-GA ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo Agagaarka Safaarada Turkiga ee ku dhow Aargada L4 ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya inuu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhexeyso Laamiga Taleex illaa Saafarada Turkiga, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay Hooy lagu diyaarinaayay Qaraxa oo u dhow Safaarada Turkiga ee ku taalla Isgooyska Lambe Afar ee Magaalada Muqdisho.

Warar kaasi Khilaafsan ayaa ku waramaaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu soo riday Bac madoow oo halkaasi la dhigay, islamarkaana lagu Qarxiyay Rimuud, wallow uusan ka dhalan wax Khasaaro ah, sida ay wararku sheegayaan.

Agagaarka Safaarada Turkiga ayaa waxaa iminka buuxa Ciidamo farabadan kuwaasi oo la sheegay inay xaqiijinayaan Ammaanka, mana jirto cid ka hadashay Qaraxa.

Qaraxa ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo markii Wasaarada Amniga Qaranka loo magacaabay Khaliif Erag oo horay uga tirsanaan jiray Hay’adda Nabadsugida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com