Xog: Indhacade oo hubkiisa kala baxay hoygiisa Muqdisho (Intee la geeyay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay Siyaasiyiin ku dhow-dhow General Yuusuf Siyaad Indha Cadde, ayaa sheegaya in Hubkii ku jiray Hooygiisa uu kala baxay.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Yuusuf Indha Cadde uu hubkaasi oo ka kooban 11-Dabajeex, 31-AK 47, 7saban, 4-qoryaha loo yaqaan dhashiikaha iyo Miinooyinka lagu xiro qoryaha u dhiibtay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe”.

Sidoo kale, Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Yuusuf Indha Cadde la siiyay digniin ku aadan inuu Hubkiisa meeleysto, isagoona lagu wargaliyay inay kusoo wajahan yihiin Ciidamada Ammaanka oo qorsheynaaya inay Howlgalo ka sameyn doonaan Hooyga Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa waxa uu Hubkaasi kala baxay Hooygiisa Taariikhdu marka ay aheyd 16.8.2014 xilli habeen aheyd, isagoona Hubkaasi u kala dhiibtay Labadaasi Mas’uul oo reer ahaan ay isku dhow yihiin.

Siyaasadani Cusub ee hoos iska taabashada ah ayaa waxa ay sababi kartaa in Colaado hor leh ay ka dhex dhaliso Beelaha Hawiye oo iyagu qaarkood guryaha lagu weeraray, halka kuwa kalane loogu baaqay inay Hubkooda xareystaan.

Lama Oga sida uu ku dhaqan gali doono Nidaamka Cusub ee Hub ka dhigista ah, waxaana arrintaasi dhaliilsan Beelaha Abgaal iyo Murusade.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com