DFS hal beel ayey ku naas-nuujineysaa SH/DHEXE (Beelo caddeymo keenay)

Jowhar (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ka soo horjeestay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobalkaas, Cali Guutlaawe.

Nabadoon Zakariye Maxamed Axmed oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xad-gudub weyn ku heyso beelaha deggan gobalka Shabeellaha Dhexe isagoona intaas ku daray in hal beel uun loo magaacabo guddoomiyaha gobalkaas.

Wuxuu tilmaamay afartii guddoomiye ee loo soo magacaabay gobalka Shabeellaha Dhexe in ay ka soo jeedaan hal qabiil ii haddana isku laf ah.

“Gobalka Shabeellaha Dhexe hal qabiil ayaa lagu naas-nuujiyaa, qabiiladda kale ee asalka ahna xaqooda waa lagu tuntay oo waxaa ka mid ah lixda jiito, Nuur Shirbow, Maxamed Dheere, Cabdi Jiinow iyo Cali Guutlaawe waa hal qabiil oo isku laf ah taas maa xaq ah”ayuu yiri nabadoonka.

Wuxuu arrin qaldan ku tilmaamay in uu madaxweynaha digreeto uun ku soo magacaabo qof aan ka dhalan gobalka Shabeellaha Dhexe sidda uu yiri.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in gobalka Shabeellaha Dhexe ay ka dhaceyn dagaallo sokeeye oo dad shacab ah lagu barakiciyay, waxaana mas’uul ka ahaa ayuu yiri guddoomiyihii hore iyo beesha uu ka dhashay.

Ugu dambeyn waxa uu madaxda dowladda ka codsaday in aysan ku xad-gudbin xuquuqda beelaha degga gobalka Shabeellaha dhexe isla markaana beesha Abgaal uun ay naas-nuujiyaan sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, shaley oo Axad ahayd waxaa magaalada Johar ka dhacay kulan lagu taageeraayo guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellaha Dhexe Cali Guutlaawe oo la sheegay in uu yahay nin beer iyo gurri ku leh magaalada Jowhar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com