Xog: Sanbalolshe iyo Indha-Qarshe oo ay ka tafan tahay + Xasan oo abtigiis u hiiliyey iyo Indha-Qarshe oo is-casilaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay wararku nagu soo garayaan waxaa Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Gen. Indha qarshe iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda C/llaahi Maxamed “San-bololshe”, oo abti u ah Xasan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xassan iyo Agaasimaha Nabadsugida ay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ku cadaadiyeen inuu ka qeybqaato Weerarkii lagu qaadayay Maalinimadii jimcada Hooyga Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci.

Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida San-baloolshe, ayaa la sheegayaa in markii Ciidamada Axmed Daaci ay ka awood roonaaden Ciidamada Nabadsugida uu Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ku amray inuu Ciidamo gurmad ah u diro weerarka, hayeeshee Taliye Indha qarshe ayaa arrintaasi ka biyo diiday.

Agaasimaha oo diidmadaasi ka carooday, islamarkaana ka cabsanaayay inuu soo muuqdo fashilkii Ciidamada Nabadsugida ka qabsaday Weerarkii Axmed Daaci, ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu xiriir degdeg ah la sameeyay Madaxweynaha Dalka Xassan Sheekh oo uu ku wargaliyay in Ciidamada Nabadsugida dhabar jab adag kala kulmeen weerarka loona baahan yahay Gurmad dhanka Militeriga ah, waxaana suuragashay in Xasan Sheekh uu xiriir la sameeyo Taliyaha Ciidamada Xooga.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Indha qarshe waxa uu si aan ganbasho laheyn u diiday inuu gurmad u diro Ciidamada Nabadsugida oo lagu baacsaday Weerarkii ay ku qaaden Axmed Daaci waxa uuna Indha qarshe u diiday Seddex qodob oo kala ah:-

1-In aan lala socodsiin wakhtiga weerarka uu dhacaayay.

2-In Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida uu si asluub dari ula hadlay Taliyaha Ciidamada Xooga oo darajo ahaan iyo sumcad ahaanba ka sareeya San-baloolshe.

3-Madaxweyne Xasan oo isku dayay inuu San-baloolshe qaad-qaado, islamarkaana hoos u dhigo sumcada Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka.

Haddaba Seddexdaasi Qodob waxa ay sababtay in Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Indha qarshe uu qaadaco go’aanadii Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Hay’adda oo iyagu aan u meel-dayin ku tumashada shuruucda Laamaha Ammaanka.

Dhanka khilaafka ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Hooyga Axmed Daaci, ayaa waxa uu sababay Khilaaf ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka, waxaana Villa Somalia iyo xarumaha Dowlada gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga la hadal hayaa in Taliye Indha qarshe uu diyaarinaayo warqadihii uu Madaxweynaha uga codsan lahaa aqbalida Codsiga Is Casilaada.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda C/llaahi Maxamed Cali “San-bololshe” oo xubin ka ah Ururka Dam-Jadiid islamarkaana Khibrad Ciidan iyo aqoonba u laheyn Hay’adda ayaa waxaa muuqata inuu garab ka helaayo Dhanka Madaxweynaha waxa uuna kala garan la’yahay shaqsiyaadka hoos yimaada iyo kuwa isaga ka sareeya waxa ayna Arrintaasi sababtay inay isku dhacaan Xassan Sheekh iyo Taliyaha CXD.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com