XOG: Beesha Abgaal oo wada kacdoon ka dhan ah Xasan Sheikh & Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullamo iyo shirar looga hadlayo xiisadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday hoyga Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo dowladda ay xabsiga dhigtay, hub fara badana kala wareegtay, ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana shirarkani yeelanaya Waxgaradka, siyaasiyiinta xubnaha Dowladda ugu jira beesha Abgaal.

Odayaal iyo Siyaasiyiin uu Madaxweynaha Jimcihii u diray inay Axmed Daaci si nabad ah ku keenaan Madaxtooyada si wada hadal loola furo, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh ay ku balan fureen kadib markii ay xabsiga loo taxaabay Axmed Daaci, halka odayaashii keenay Madaxtooyada loola dhaqmay qaab anshax xumo ah, qaarkoodna la sheegay in jirdil loo geystay markii ay is hortaageen in la xero Axmed Daaci.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Abgaal oo si weyn uga carooday balanta lagu furay, ayaa qaban qaabinaya banaanbaxyo ka dhan ah Madaxda Dowladda oo ka dhaca Muqdisho.

Madaxweynaha oo kullan la qaatay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ka hor inta aan la xerin Axmed Daaci, ayaa waxaa kulankaasi kasoo qeybgalay Wasiirka Amniga Khaliif Axmed Ereg iyo Wasiirka Dastuurka & Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, wadal ka dibna waxaa leysku afgartay in la xiro Axmed Daaci.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa soo jeediyay fikirka ah in la xiro Axmed Daaci, markii uu ku eedeeyay in uu dagaal adag kala horyimid Ciidamadii Qaranka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, dad badana ay ku dhinteen.

Tallaabadaasi ayaa Odayaasha Abgaal ay ka caroodeen, iyadoo xarunta Madaxtooyada ugu soo baxay qaab sharaf dhac ah oo loola dhaqmay, waxaana Axmed Daaci la wareegay ciidamada Alpha Group ee wajiyada duuban, iyagoo u dhaadhiciyay xabsiga Habar Khadiijo.

Dhanka kale Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa arintan si weyn ugu soo horjeeda, iyagoo ugu baaqay Dowladda in arintan ay joojiyaan haddii kale ay shaqsiyaadka kale ee hubeysan lala mid dhigo hoggaamiyeyaasha hub ka dhigista lagu sameeyay oo aysan dad gaar ah ku koobnaan.

Dhowaan ayaa la filayaa in beesha Abgaal ay war cad iyo tallaao kasoo saarto xadgudubkii odayasheeda loogu geystay Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com