EREG & Sanbaloolshe oo ay Muqdisho ka yaaban tahay (Siyaasi caana oo ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ereg iyo Sanbaloolshe oo dawladda ugu kala magacaaban Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Nabadsugida, ayaa bilaabay ku takrifal awoodeed iyo caburin Saxaafadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dawladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida waxaa ay shalay mar kale Xabsiga u taxaabeen Maxamuud Daahir Faarax (Qooleey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Muqdisho ee aadka u dhaliilsan siyaasadda Kooxda Damujadiid eeMajaraha u heysa siyaasadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Khaliif Ereg iyo Agasimaha Nabadsugida oo labaduba ah siyaasiyiin aqoon ahaan aad u liita, Jagooyinka loo magacaabayna ku weyn yihiin, horeyna ugu soo fashilmay Jagooyin dawladdu horey u magacaawday, aya Muqdisho ka bilaabay caburinta Saxaafadda iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dawladda Soomaaliya.

Inkasta oo hubka in la dhigo dhamaan shacabka Soomaaliya ay muhiim tahay, haddana dawladda waxaa looga baahan yahay inay sameyso Ciidan qaran oo la aamini karo, sidoo kalana amaanka shcabka iyo siyaasiyiintaba sugto.

Qaabka hubka looga qaadayo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dawladda iyo Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa u muuqanaysa Maleeshiyo hubka ka qaadanayso Maleeshiyo kale oo ay ka awood badan tahay Maadaama uusan jirin qorshe guud oo hubka looga dhigayo iyo ciidan qaran oo si rasmi ah u shaqeeya.

Mas’uul sare oo ka tirsan dawladda ayaa si hoose Saxaafadda ugu sheegay in tirade Ciidamada Xooga dalka iyo Booliiskaba aan la ogeyn maadaama ay arintaasi ogoleyn in Taliyayaasha Xooga iyo Booliiska in rasmi loo ogaado tirada Ciidamada ay ku qaataan saadka iyo Mushaharka.

Dadka Muqdisho, ayaa aad ula yaaban dhaqamada cusub ee labadan mas’uul ay Xamar la yimaadeen, oo ah wax ku cusub magaalada.

Isku soo wada duube Dawladda ayaa ku dhawaaqday hubkadhigis aan qorshe lahayn oo Maliishiyaad hubeysan oo la socda Masuuliyiinta dawladda ay hubka uga dhigayaan maliishiyaad kale oo ilaalo u ah masuuliyiin xilal dawladda horey uga soo qabtay iyo Siyaasiyiin mucaarad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com