“KAY ma tagi karo GAROOWE isagoon fasax ka qaadan DF” Sidaa waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Siciid C/qaadir oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa arrimo kala duwan ka hadlay isaga oo wareysi siiyey mid ka mid ah FM-yada Muqdisho; waxyaabaha uu soo qaaday Xildhibaan Siciid waxaa ka mid ah socdaal uu shalay Magaalada Garoowe ku gaaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholos Key iyo doorka Dowladda Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Nicholos Key uusan xaq u laheyn inuu u dhoofo Garoowe, isaga oo aan ruqsad ka haysan Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Siciid wuxuu sheegay  in Soomaaliya ay ka jirto Dowlad adduunka uu ictiraafsan yahay, oo aan loola dhaqmi karin sida dal maxmiyad ku jira, isaga oo Madaxda Dowladda ugu baaqay in aysan ka aamusin xadgudubyadda lagu samenayo sharciga, waxaana uu intaa ku daray  in xittaa haddii Dowladda ay ka dhaadhacsan tahay in aysan dalka wada xukumin in ay aaminaan in ay haystaan sharciyad caalamku aqoonsan yahay.

“Hay’ad kasta oo u safreysa meel  Soomaaliya ka mid ah waa in ay Dowladda soo wargelisaa” Ayuu yiri Xildhibaan Siciid, wuxuuna intaasi ku daray in Dowladdu haddii ay ka aamusto qaladaadka muuqda in taasi macnaheedu ey tahay  ogolaansho, isaga oo ku baaqay in Dowladdu hadasho halkii ay ka aamusi laheyd.

“Waxaan fahmi la’ahay waxa ku koobay awoodda Dowladda Muqdisho oo keliya; oo aaney Dowladdu wax xil ah isaga saareyn Goboladii dalka, siddeey ku dhici kartaa in wufuud caalami ah ay tagaan Goboladii dalka iyaga oo aan ku soo wargelin Dowladda ?” Ayuu yiri Xildhibaan Siciid wuxuuna intaasi ku daray in hadalada ka imaanaya Madaxda Maamul Goboleedka Puntland oo gaaray ilaa heer ay u dhaqmaan sida Dowlad gaar ah, oo yiraahdaan waxaan xiriirkii kala laabanay Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaankan mar uu ka hadlayey Gobolada Soomaalida, wuxuu sheegay in haddii la gargaarayo Gobolada Soomaaliya in si caddaalad ah oo siman loo gargaaro, oo Gobol aan Gobolka kale laga fadli yeelin.

Xildhibaan Siciid wuxuu soo dhoweeyey tillaabada hubka lagaga uruurinayo Muqdisho, isaga oo ku baaqay in hub uruurintu ey dan u tahay Muqdisho.

“Kooxaha ku doodaya hubka dib u heshiisiin ayaa ka horeysay; yey tahay cidda la heshiisiinayo.? Muqdisho in hubka lagu uruuriyo bulshada ku dhaqan ayey dan u tahay;  4-ta dambiilayaal ee aaminsan haddii hubka la idinka qaado waxaad noqoneysaan bartilmaameed,  kuwaasi ma marin habaabin karaan rayiga bulshadda” Ayuu yiri Xildhibaankaasi, wuxuuna intaasi ku daray in hubka uu galo gacanta Dowladda,  Dowladduna ay  waajib ku tahay  in ay ilaaliso ammaanka muwaadiniinteeda.

Xildhibaan Siciid mar uu ka hadlayey xiriirka Talyaaniga iyo Puntland wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid ku saleysan dano dhaqaale oo u dhexeeya shaqsiyaad Talyaani ah dilaal ka ah taageero Dowladda Talyaaniga ay siiso Soomaaliya iyo dhinaca kalena shaqsiyaad Soomaali ah oo horay xiriir ula lahaa Talyaaniga.

“Talyaaniga maaligelinta uu siinayo Garowe oo beel keliya ay degan tahay waxeey horseedeysaa in Talyaanigu waayo kalsoonida inta badan shacabka Soomaaliyeed”

“Hiilada uu Garowe la garab taagan yahay ha noo fasiro ujeedada laga leeyahay.? waxey noqon kartaa isla sheekadii 80-meeyadii markii uu Talyaaniga ay yiraahdeen Soomaaliya ayaan gargaareynaa oo   lacagihii loogu talogalay in mashaariicdaasi lagu fuliyo ay wada cuneen shaqsiyaad isugu jira Talyaani iyo Soomaaliya, dadkii Talyaaniga ahaa  waagaas madaxda ka ahaa mashruucii FAI  waxaa la maxkamadeeyey, dhinaca Soomaaliya waxaa madax ka ahaa nin la yiraa Juriile isla isagii ayaa meesha hadda qabqable ka ah, oo mar walba oo qof ka socda Puntland ama Dowladda dhexe uu Talyaaniga u socdaalaayo isaga ayaa la kaxeystaa, ileyn wuxuu khabiir ku yahay wax isdaba marinta, waxaana mar walba oo Talyaaniga mashaariic laga soo qaato la yiraa Soomaaliya ayaan ku maalgelinaynaa meeshaas ayaana lacagta lagu kala qeybsadaa” Ayuu yiri Xildhibaan Siciid, wuxuuna intaa ku daray in Talyaaniga meheradiisu tahay musuq-maasuq.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com