GALAYR oo laga taageeray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweenaayay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State, Prof Cali Khaliif Galeyr.

Xafladda waxaa ka soo qeybgalay xildhibaanno, wasiiro iyo wasiiro horrey uga tirsanaa dowladihii kumeel gaarka iyo siyaasiiyiin ka soo jeeda deegannada Khaatumo State iyo magaalada Muqdisho, sidda uu ku soo warramay wariye Caasimada Online ka tirsan oo ka qeybgalay xafladda.

Sidoo kale, waxaa xafladda ku sugnaa dadweyne aad u fara badan kuwaasoo soo dhaweenaayay doorashadda ka dhacday Khamiistii hore deeganka Saaxdheer ee u dhow soohdinta Itoobiya laguna doortay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Intii xafladda ay socotay waxaa qadka Taleefonka uga soo qeybgalay madaxweynaha cusub ee Khaatumo Cali Khaliif Galery wuxuuna bogaadiyay xafladda qaabka ay u dhacday iyo cidda ka soo qeybgashay isagoona ballan qaaday in uu qaadan doono dhammaan wixii tallo iyo waano ah oo loo soo jeediyay intii ay xafladda socotay.

Dhammaan xildhibaannadii iyo wasiiradii ku sugnaa xafladda ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay taageeraan doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif isla markaana la siiyo taageero la mid a kuwa la siiyo maamul gobaleedyada ka dhisan dalka.

Dadweyne u badan haween oo aad u labisan ayaa ka soo qeybgalay xafladda waxaana ay wateen calanka Soomaaliya iyo Khaatumo State.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif Galeyr oo ahaa xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan. 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com