Xog: Taageerayaasha mas’uul hoygiisa lagu weeraray oo ku hanjabay inay dili doonaan askarta Nabad-sugidda DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Odayaasha, Waxgaradka iyo Bulshada Degmadaasi ay ku hanjabeen inay gubayaan gaarigii Nabadsugid ee soo gala Degmada.

Dadkaani oo taageero u ah Guddoomiyihii hore ee Degmada Axmed Daaci ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka duulaankii ay ku qaaday Axmed Daaci uu galaaftay Tobaneeyo dad shacab ah, waxa ayna sheegen in Askarigii ka tirsan Hay’ada Nabadsugida ay dili doonaan.

Salaad Aadan oo kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Ficilkii AMISOM iyo Nabadsugida ay taariikh noqon doonto, waxa uuna sheegay in Weerarka Axmed Daaci ay ka qaadeen caro.

Waxa uu Cadeeyay in weeraradaasi ay ku waayeen Carruurtooda, islamarkaana ay DF uga baahan yihiin Mag.

Dadyowgaani ku nool Degmada Wadajir, ayaa taageero u haaya Axmed Daaci oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu weeraray Hooygiisa, waxaana sidoo kale, la sheegayaa in Taageerayaashasi ay wadaan abaabulka Banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga Mas’uulkaasi.

Dowlada Federaalka ayaa aad uga cabsi qabta inay dhacaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga Axmed Daaci, waxaana la sheegayaa in Hooyga Mas’uulkaasi ay xarun ka dhigteen Ciidamada AMISOM si aan halkaasi banaanbax uga dhicin.

Lama Oga sida ay ka yeeli doonto Dowlada Federaalka Xariga Axmed Daaci, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in gudaha Asbuucaani lasii deyn-doono Maxbuuska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com