9 SU’AAL oo ka dhashay qorshaha DFS ee HUB ka dhiggista REER MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War murtiyeedkii kasoo baxay golaha wasiiradda oo ay goobjooga wada ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh oo sumadiisuna ahayd Ref: XRW/OM/PR 0465/08/14 soona baxay 16-ka bisha August 2014 ayaa shacabka Soomaaliya, wuxuu ka doonayaa Masuuliyiinta Dawladda Cadeyn siyaasada Dawladda ee guud ahaan Dalka iyo Jawaabaha su’aalaha hoos ku qoran :-

1- Muxuu yahay qorshaha dawladda ee amaanka Gobolada ka baxsan caasimada Soomaaliya? Maamuladii hore u jiray sida Somaliland iyo Puntland maxuu yahay qorshaha dawladda ee Laamaha amaanku ku gaarayaan Maamuladaa? sidoo kale Maamulada Dawladaha Federaalka kamid noqonayo oo dawladu aqoonsatay ama hirgelinayso sida Maamulka KMG ah Juba? Maamulka Koofur Galbeed?, Maamulka Bartamaha Soomaaliya ee Mudug iyo Galgaduud?

2- Maxay amaan soo kordhin kartaa in Gudoomiyayaashii hore Maliishiyaadkooda hubka laga dhigo halka Gudoomiyayaasha dawladu magacaawday oo bedelay gudoomiyayaashii hore qorteen Maliishiyaad kale, hubna kasoo gateen Suuqyada Hubka Muqdisho??? Sidoo kalana Masuuliyiinta Dawladda min wasiir, Xildhibaan , iyo dhamaan masuuliyiinta kale ee dawladda qortaan Maliishiyaad, qaarna kasoo wataan Milateriga iyo Booliiska, Hubkana suuqa uga soo gadaan!!! Maadaama uusan jirin qorshe Wasaaradda Amnigu ku siinayso Ilaalo Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda?

3- Iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ogsoon yahay in Dawladda Guud ahaan iyo Madaxda Laamaha Amniga aysan maamulin Maamulada Somaliland, Puntland sidoo kalena Maamulkii dawladdu dhowaan aqoonsatay ee MKG ah Juba-na aysan hoos tegin Ciidamada Jooga Wasaaradda gaashaandhiga , Wasaaradda Amniga Muxuu yahay qorshaha Dawladda ee Soomaaliya ugu sameynayaan Ciidamo Milateri , Booliis, Nabadsugid ee hoos tagaya Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Amniga qaranka? Mise Dawladdu waxay Soomaaliya u taqaanaa oo kaliya Muqdisho?

4- Marka laga reebo hawlgalo amni oo u baahan kara in si degdeg ah loo fuliyo maxaa dawladda u diiday in shacabka soomaaliyeed u soo bandhigaan qorshaha hub ka dhigista dalka guud ahaan, sida in dadka lagu wargeliyo in ciidan aan ahayn ciidamada dawladda (Milateri, Booliis, Nabadsugid) inaysan hub haysan Karin, cidii hub u heysata inay amaankeeda ku ilaashatana oo shacab, ganacsato, masuuliyiin hore, shirkado, hayaddo Caalami ah sida UN, INGO iyo LNGO-ba lagu wargeliyo xafiisyo ay tagi karaan si hub cayiman oo dawladu ogtahayna loogu ogolaado hadii loo arko inay macquul tahay sababta uu ugu baahan yahay in hubka loogu sharciyeeyo, hubkii ka badan inta dawladdu u ogolaatana dawladu kala wareegto.

5- Iyada oo ay Muhiim tahay in hawlgalada amniga lagu sugayo lasii wado miyeysan muhiim ahayn in wasaaradaha amniga iyo Gaashaandhiga isi saxaan marka hore iyaga oo xaqiijinaya:-

A- in Booliiska iyo Milateriga Soomaaliya noqdaan kuwo dhamaan aqoonsi heysta, degan xerooyin iyo saldhigyo loo cayimay oo ay ka hawlgalaan. Wax laga bedelo in tuutaha booliiska iyo Milateriga uu yahay aqoonsiga ciidanka dawladda. In ciidamada ka tirsan Laamaha amniga ee aqoonsi weydiinaya shacabka noqdaan kuwo wax aqrin kara? Kuwo yaqaana Aqoonsiga ay raadinayaan midka uu yahay? Kuwo aqoonsi weydiiya Ciidamada hubeysan oo aan aqoonsi weydiin kaliya shacabka? Ciidanka Jidadka taagan uusan noqon kuwo og tirada soomaalida ee Dawladda u shaqeysa yihiin tiro aad u yar? Shacabku xaq u leeyihiin in wadooyinka maraan markii la baaro kadib oo aqoonsi Dawladda kaliya aan jidadka loogu ogolaan dadweynaha?

B- In wax laga bedelo in ciidamo istaaf ah oo hubaysan in la heysto ay ku xiran tahay inaad kamid tahay masuuliyiinta Dawladda sida Wasiir, Ku xigeen, Xildhibaan, Agaasime , Gudoomiye Gobol, Gudoomiye Degmo kaliya ee ay dawladu sameyso gaar ahaan wasaarada amniga qorshaha ilaalo siinta Masuuliyiinta dawladda, qorshaha ilaalo siintana noqdo mid dawladu sameyso oo min xildhibaan, wasiir, W/kuxigeen, agaasime iyo Madaxda kale ee dawladda la go,aamiyo ilaalada xildhibaanka inta ay noqoneyso, ilaalada wasiirada inta ay noqoneyso, Ilaalada W/ku xigeenka inta ay noqoneyso, ilaalada agaasime inta ay noqoneyso, ilaalada gudoomiye gobol inta ay noqoneyso, ilaalada gudoomiye degmo inta ay noqonayso, ilaaladaas intii isku title ah qaadanaysana ay siiso wasaarada amniga, hubka iyo rasaasta ay haystaana la diiwaangeliyo, xabad rasaas ah hadii ay ridaana Masuuliyiin iyo xafiis ay wargeliyaan sababta ay u rideen la sameeyo.

C- Milateriga iyo Booliiska ku qoran saldhigyada Muqdisho iyo Goboladii kale oo Booliis iyo Milateri Soomaaliyed joogo la xaqiijiyo in Saldhigyada iyo xerooyinka ay ku qoran yihiin ka hawlgalaan.

D- Milateriga iyo Booliiska Soomaaliya oo Magac ahaanta u jira oo qaarkood mar hore dhinteen, qaarkood shaqada isaga tageen, qaarkood ka shaqeeyaan Hay’addo kale oo mushahar ka qaataan, qaarkood ilaalo ka dhigteen Masuuliyiinta ku qabiilka ah ee dawladda in dib loo saxo oo la xaqiijiyo inta run ahaan u jirta oo joogta oo dhab ahaan u shaqeysa, inta dhimatay, inta iska tagtay iyo inta u shaqo tagtay hay,ado kale oo ay tahay in la bedelo.

6- Dawladu waxay sheegtay in Hay’adaha amniga iyo Ciidamada qalabka sida kaliya hub heysan karaan iyo cidii ruqsad loo siiyo, Ruqsada hub heysashada marka laga tago go’aanka aan qeexneyn ee ah hay’adaha amniga ayaa bixin kara ruqsada heysashada hubka, Waa hay’addee ka tirsan Laamaha amniga ee bixin karta ruqsada Haysashada Hubka? Mise sidii hore ayuu qofba u doonanayaa masuulkuu doono sida Wasiirka Amniga, Ku xigeenkiisa, Agaasimaha Hay’adda nabadsugida, Taliska Booliiska Heer qaran iyo heer Gobol, Madaxda Gudoomiyayaasha Gobolada, Degmiiyinka?

7- Xukuumadu waxay sheegtay in markasta dhawreyso xuquuqda aadanaha iyo sareynta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law), Marka laga reebo qoraalkaan maxaa cadeynaya dhowrista Xuquuqda shacabka Soomaaliya? Maxay ugu Talo gashay xuquuq ahaan iyo sharci ahaan shacabka Soomaaliyeed eek u dhintay, ku dhaawacmay , kuwo guryahoodii ku burbureen Hawlgalkii Ciidamada dawladda iyo Kuwa AMISOM?

8- Xukuumadu waxaa ay sheegtay in Warbaahinta madax banan dhowraan Sharciga, Ma jiraa sharciga Saxaafadda oo Dawladdu iyo Saxaafaddu isla meel dhigeen, Baarlamaanka-na loo gudbiyey oo la meel mariyey? Iyada oo ay muhiim tahay in la dhowro Xuquuqda Saxaafada, Xuquuqda Muwaadiniinta maadaama aan la sameyn sharcigii warbaahinta iyo saxaafada madax banaan ma loo qaadan karaa hawlgalkii Laamaha amniga Ku xireen Idaacadaha Shabelle iyo SKY kuna qaateen qalabkii idaacadahaas ku hawlgalayeen mid lagu caburinayo Saxaafada xorta ah oo lagu cabsi gelinayo idaacadaha kale inaysan ka hadlin qaladaadka dawladda iyo Musuqmaasuq baahsan eek a dhex jira dawladda Soomaaliya?

9- Xukuumadda JFS waxay sheegtay inay abuurayso oo dhowaan soo bandhigayso Khad (Taleefoon) gaar ah oo cidii qabta tabasho, wargelin iyo Talo bixin kala soo xiriiri karto Hay,addaha Amniga, Khadkaas ma wuxuu noqonayaa mid quseeya Muqdisho kaliya? Hal khad ma kaafin karaa tabashada shacabka? Khadadka shacabka u gudbinayaan cabashadooda, wargelintooda ma noqonayaan kuwa shaqeeya 24-ka saacba? Warbixin ma laga sameynayaa weekly ah ama Bille ah Cabashada soo gaartay laamaha amniga iyo waxa ay ka qabteen?

Su’aalahaan kore iyo kuwo kale oo fara badan ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baahan yahay dawladda Soomaaliya inay uga jawaabto shacabka Soomaaliya si shacabku ugu kalsoonaado dawladda Soomaaliya iyo wax qabadkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com