Muungaab oo qorsheeyey inuu xilka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka uu xil ka qaadis ku sameynaayo qaar ka tirsan Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa la filaaya in maalmaha soo socdo uu xilka ka qaadi doono Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamed Cadaawe.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Xilkaasi loo magacaabi doono Bare Food Cadde oo horay ula soo shaqeeyay Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in xil ka qaadista Gudoomiyaha ay ka dambeyso kadib markii uu si waafi ah u gudan waayay waajibaadka Degmada ka saaran, sida ay xogtu sheegeyso.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen”Muungaab” , ayaa waxa uu xil ka qaadis Ceynkaasi ah ku sameyn doonaa illaa Afar Guddoomiye kuwaasi oo la sheegay inay wax ka qaban waayen Ammaanka Degmadooda.

Lama Oga shaqsiyaadka loo wado Degmooyinka kale inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Xil ka qaadista ay saameyn doonto Guddoomiyayaasha Degmooyinka Xamar-Jajab, Waabari, Dharkiinley iyo Wardhiigley.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com