DF oo loogu baaqay in dad weynaha kala tashato arrin Muqdisho ku cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaacil Hure Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dadweynaha kala tashato howgallada hub ka dhigista ee magaalada Muqdisho ka billowday.

Wuxuu tilmaamay haddii dowladda aaney la socod siin shacabka in meeshaas uu ka immaan karo is-fahan waa iyo mucaaradad xooggan oo khatar galin kara dowladda hadda jirta.

“Hadilmiye waxaa dowladda looga baahan yahay haddiiba ay howgallo ka fulineyso Muqdisho in ay dadka u sheegto oo lala socodsiiyo howgalka sida uu noqonayo” ayuu yiri Buubaa.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa tilmaamay in howgalka uusan noqon mid labo qof ay isku sheegaan ee uu noqdo mid dadka shacabka loo sheego howgalka iyo nooca uu noqonayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com