Xog: Saraakiil AMISOM ka tirsan oo uu taabtay Xanuunka Xabsiga, Sababta?

Muqdisho (Caasimada Online)-Labo Sarkaal oo darajo hoose ka ah Ciiddanka Uganda (UPDF), kuna eedeysan inay lunsadeen 100 xirmo oo rasaas ah ayaa la amray in Xabsiga lagu celiyo, tan iyo maalinta Talaadada oo dib loodhegeysanayo dacwadooda.

Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Dhamme Bosco Mwanga oo 32-jir ah iyo Gaashaanle David Eloku oo 33-jir  ayaa dib loogu celiyey Xabsiga Milliteriga ee Makindiye.

Saraakiishaasi oo ka tirsanaa Guutadda Ciiddanka Uganda ee uu farriisinkooda dhexe ahaa Deegaanka Nambar Konton ee Gobalka Sh/hoose ayaa lagu soo oogay inay saxiix la’aan rasaas fara badan kala baxeen Xeradda, iyadoo lagu tuhunsan yahay inay suuq madow ku iibiyeen.

Sarkaal saddexaad oo lagu magacaabo G/sare Benson Olanya ayaa isagana ka mid ah dhowr Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciiddanka UPDF ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, waxaana lagu soo oogay falal isugu jira shidaal uu dhacay, Awoodiisa oo uu ku takri-falay iyo eedeymo la xiriira gogol-dhaaf.

Sarkaalkan oo Taliye ka ahaa Guutadda 343aad ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM  waxaa toddobaadkii hore la dhigay Isbitaalka Milliteriga Bombo Army Hospitaal oo ku yaalla Degmadda Luweero, isagoo la il-daran cuddurka Macaanka ama Diabetic.

Afhayeenka Milliteriga Boliska Uganda, Dhamme Geoffrey Burushana ayaa sheegay inuu Sarkaalkaasi muddo dheer qabay cuddurkaasi.

Xigasho: New Vision

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com