DF Somalia oo meel iska saartay Kenya

Muqdisho (Caasimadaa Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay warbixin lagu qoray Wargeyska The State ee Kenya ka soo baxa kaasoo Sabtidii qoray in dowladda Kenya ay ka carootay dowladda Soomaaliya in ay markii labaad ka baaqato shir looga hadli lahaa dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Wasiirka arrimaha dibedda oo u warramay VOA-da ayaa tilmaamay in wax yaabaha labada dal ay isku khilaafsan yihiin uu la xiriiro halka lagu qabanaayo shirka labaad ee looga hadlaayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya, dowladda Somalia-na aysan aqbali karin inay mar walba Kenya u raacdo rabitaankeeda.

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Kenya gaar ahaan wasiirka arrimaha dibedda Amiina Maxamed ay qoreyn warqad ay ku lee yihiin shirka labaad halagu qabto Muqdisho, balse wuxuu tilmaamay in ay tiri Nairobi ayaa lagu qabanayaa.

Wuxuu sheegay in wax khilaaf ah oo sidaas u buuran aanu jirin balse la isku maandhaafsan yahay halka uu ka dhacay shirka labaad oo markii hore ahayd ballanta Muqdisho in lagu qabto, dowladda Somalia-na ay go’aankeeda ku saxan tahay

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa rajo fiican ka muujiyay in la xaliyo khilaafka soo baxay isla markaana ay diyaar u yihiin siddii loo soo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

Horrey ayaa waddamada Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR ay ugu heshiiyeen in qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com