Muxuu yahay ujeedka shir ballaaran oo maanta Muqdisho ka furmay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne ballaaran oo looga hadlaayo dhibaatada ka dhalan karta masiibo bini’aadinimo oo ka dhaca qaarada Africa.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaa soo qaban qaabiyay hey’adda maxalliga ah ee Zamzam Foundation.

Shirka waxaa ka qeybgalay wakiilo ka socda, OCHA, OIC iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya, sidaas waxaa ka sheegay daah-furka kulanka madaxa hey’adda Zamzam Foundation Shuceyb Sheekh Cabdiladiif.

Wuxuu sheegay oo kale in shirkan uu hordhac u yahay shirar kale oo ka dhici doona geeska Afrika kaasoo la rabo in looga hadlo khatarta ka dhalan karta masiibooyin ka dhaca qaarada, isagoo intaas ku daray in shirkan looga arrinsan doono wax yaabaha lala tagi doono shirweyne ka dhici doona labo sanno kaddib magaalada Geneva.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Saciid Cabdullaahi Dani ayaa madasha shirka ka sheegay in wasaaradiisa ay dajisay hannaan la rabo in looga hortago masiibo ka dhacdo dalka Soomaaliya, isagoona yiri dowladda waxay wadaa qorshayaal ay uga hortageyso in ay soo laabtaan masiibooyin la mid ah kuwiii seddax sanno ka hor ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreeyay ee Muqdisho lagu qabto shirweyn looga hadlaayo kulan labo sanno kaddib dhacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com