Puntland oo loo aqoosaday inay tahay aas-aaska DF Somalia, Waxaa yiri…

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Key ayaa isagoo ka hadlaayay xaflad lagu xusaayay sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegatay markii la dhisay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayuu sheegay in Puntland ay hooyo u tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya maadama ay tahay buu yiri meesha lagu soo unkay.

Mr. Key ayaa ku celceliyay in Puntland ay u baahan tahay dowladda Soomaaliya, dowladda Muqdishana ay u baahan tahay Puntland.

Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa xusay in uu ku rajo weyn yahay siddii uu dib ugu soo laaban lahaa xiriirka Puntland iyo Soomaaliya maadama ay kala marmaarmin labada dhinac.

Wuxuu sheegay in uusan Garoowe kaliya u immaan dabaal-degga sannad-guuraddii koobaad ee UNSOM ee uu u yimid siddii la isugu soo dhaweyn lahaa Puntland iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Hadalka Key ayaa imaanaya iyadoo isla xafladda ka dhacday Garoowe uu ka sheegay madaxweynaha Puntland in ay diyaar la yihiin siddii dib loogu celin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

“Key wuxuu yiri waxaan dhiseebaa buundo u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Soomaaliya, annaga waxaan lee nahay dhinaceena diyaar ayaan la nahay ee waa in uu isagana u sheegaa qoladaas Xamar inay buunadada ka joojiyaan dubaha ay la dhacayaan” ayuu yiri Gaas.

Marka loo eego xafladda lagu Garoowe ee lagu xusaayay xafiiska UNSOM waxaa muuqata in Puntland lagu qancinaayo in ay noqotay meeshii ugu horreysay ee lagu qabto xaflaladda sannad-guuradii koobaad ee UNSOM maadama ay ahayd in lagu qabto Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ee UNSOM.

UNSOM ayaa xafiisyo ku leh Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe.

Soomaal

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe