Magacyada iyo beelaha 25 siyaasiyiin iyo ganacsato ah oo ay DF weerareyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog ka heshay qaar ka mid ah shaqsiyaadka ay Wasaarada Amniga dowladda federaalka qorsheeneyso inay guryahooda weerarto, si hubka looga soo qaado.

Dadkan, ayaa waxaa ka mid ah siyaasiyiin, ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah oo u dhashay beelaha Hawiye, kuwaasi oo qaarkood ay Muqdisho ku sugan yihiin, qaarna ka maqan yihiin, balse gurayahooda la weerari doono.

Sida wararku sheegayaan xubnaha, ayaa marka hore la siin doonaa fursad ay hubkooda si nabad ah ugu soo wareejiyaan dowladda, balse haddii ay diidaan waxa ay wajahi doonaan weerar culus.

Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka ay Ciidamadu ku wajahan yihiin guryahooda iyo goobahooda Ganacsi ayaa waxaa ka mid ah:-

1 – Ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf (Sacad, Habar-Gidir)

2 – Xildhibaan, ganacsade C/Qaadir Cosoble Cali (Warsan-geli, Abgaal)

3 – Yuusuf  Maxamed Siyaad indha-Cadde (Ceyr, Habar gidir)

4 – Cabdullaahi Ibraahim Sahal Gardhuub (Saleebaan, Habar gidir)

5 – Ganacsade Axmednuur Cali Jimcaale (Duduble)

6 – C/qaadir Abuukar Cumur Cadaan (Warsan-geli, Harti Abgaal)

7 – Xiirey Muxyaddiin Cumar  (Murusade)

8 – Cabdulqaadir Cali Cumar (Saleebaan, Habar-Gidir)

9 – Ganacsade Cadow Cali Gees (Wacaysle, Abgaal)

10 – Maxamuud Cumar Cadaan (Warsan-Geli, Abgaal)

11 –  Suudi Axmed Jiis (Warsan-Geli, Abgaal)

12 – Xildhibaan, Ganacsade Cumar Nuur Furdug (Reer Mataan, Abgaal)

13 – Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) (Murusade)

14 – Ganacsade Eng. C/Qaadir Maxamed Nuur (Eenow), (Warsan-geli, Abgaal)

15 – C/Kariim Maxamuud Gabeyre (Wacaysle, Abgaal)

16 – Cabdirashiid Shire Ilqeyte, (Sacad, Habar-Gidir)

17 – Ganacsade Maxamed Cabdi Xaliim (Ceyr, Habar-Gidir)

18 – Bashiir Raage Shiiraar (Warsan-geli, Abgaal)

19 – Cumar Cabdulle Jacfaan (Duduble)

20 – Ganacsade Saciid Coloow (Ceyr, Habar-Gidir)

21 – Cabdi Jiinow Calasow (Warsan-geli, Abgaal)

22 – Ganacsade Maxamed Deylaaf (Ceyr, Habar-Gidir)

23 – Ganacsade Xuseen Cali Salaad (Ceyr, Habar-Gidir)

24 – Ganacsade Maxamuud Xareed (Warsan-Geli, Abgaal)

25 – Maxamed Macallin (Xoghayihii Xisbul Islam) (Habar-Gidir)

Shaqsiyaadkaani kor ku xusan ayaa la sheegayaa inay hayaan Hub farabadan ku haystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Duulaanka ku wajahan Shaqsiyaadkaasi oo qaarkood Dalka ka maqan, balse Hooygooda la baari-doono, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Howlgalada ay Ciidamada Ammaanka kula dagaalamayaan Hubka sharci darrada ah ee yaalla magaalada Muqdisho.

FG: Waxaa xogta ay sheegeysaa in qofka ugu cad cad ee weerarka ku wajahan yahay uu yahay xildhibaan Cabdul Qaadir Cosoble Cali

La soco qeybta labaad ee magacyada insha allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com