Daawo Xaaji Maxamed Yaasiin: Hawiye iyo Aadan Cadde waxba kama sheegin aniga, laakin CALI GEEDI waa fidnoole

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Xaaji Maxamed Yaasiin oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in aysan jirin dood dhex martay isaga iyo Prof. Cali Mohd Geedi, inkasta oo Video arrintaas muujinaya uu jiro. Xaajiga wuxuu sheegay in dhalinyaro fidno ka shaqaysa ay khudbadaydiisii iyo tii Cali googoysay una ekeysiisay dood.

Sidoo kale Musharaxii hore Madaxawaynaha Xaaji Yaasiin ayaa beeniyey inuu wax ka sheegay madaxdii hore ee Somalia sida Aadan Cabdule, Cabdirashid, Cabdirazaaq iyo Cabdullahi Isse.

Waxa kale oou u beeniyey inuu yiri Hawiye ama qaabil kale ee Soomaaliyeedba Xukun ehel uma aha, wuxuuna raaciyey in damiirkiisa iyo caqligiisa uusan u saamaxayn erayo noocaas oo kale ah.

Sidoo kale Xaaji Yaasiin waxa uu sheegay inuu codsanaayo diyaarna u yahay inay dood siyaasadeed oo fool ka fool ah dhex marto isaga iyo Pro. Geedi oo ay kala difaacaan mabaadi’da kala ah ku dhaqanka Shareecada iyo qaabka Cilmaanniyadda ee reer Galbeedka ku dhaqmaan ee siyaasiin badan jeclyihiin inay taageero kaga helaan dalalka shisheeyaha.

Halkan ka daawo Xaaji Maxamed Yaasiin

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com