QM oo ku dhawaaqday war PUNTLAND ay jecleesatay oo ku aadan DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Key ayaa maanta oo Axad ah booqasho ku tagay magaalada Garoowe isagoona la kulmay madaxda maamulka Puntland.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Garoowe ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay wasiiro ka tirsan maamulka Puntland wuxuuna ahaa mid albaabada uu xiran yahay oo saxaafadda ay banaanka ka joogto.

Markii uu kulan soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay madaxweynaha maamulka Puntland iyo danjire Key.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin immaatinka danjire Key oo markii lixaad uu soo booqdo Puntland, isagoona intaas ku daray in ay ka hadleen arrimo ay ka mid tahay xiriirka UNSOM iyo Puntland iyo xiriirka xumaaday Puntland iyo dowladda fedaraalka wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiis lagu dhisaayo maamulada dhexe.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay u sheegeen wakiilka QM ee Soomaaliya Nick Key sidda ay u doonayaan in la sii hormariyo howlaha fedaraalka iyo in la gaaro yoolka 2016-ka si doorasho ay uga dhacdo dalka.

Danjire Key ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay madaxweynaha Puntland iyo wasiiradiisa isagoona u ballan qaaday in maamulka Puntland uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin heshiiskii dhawaan ka dhacay Villa Somalia ee lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay siddii la isugu soo dhaweyn lahaa Puntland iyo dowladda fedaraalka maadama labada dhinac ay isku raacsan yihiin in 2016-ka dalka laga qabto doorasho rasmi ah sidda uu hadalka u dhigay.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta ay ka dhaceyso magaalada Garoowe xaflad loogu xusaayo sannad guurradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la dhisay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo sannad laga joogo.

Waxaa xafladda oo ay ka qeybgalayaan madaxda Puntland iyo marti sharraf kale lagu soo bandhigi doonaa wax yaabaha uu qabtay xafiiska iyo howlaha hor yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com