Howl-gallada hub dhigista ee ka socda Xamar oo loo wareejinayo Gobol kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir-ku-xigeenka Amniga Qaranka, Ibraahim Isaaq Yarow oo ku sugan Magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu sheegay in Howlgalada hub dhigista Muqdisho xoogeeda loo weecin doono Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay Ciidamada Ammaanka u guda gali doonaan Hub ka dhigista Maleeshiyaadka iyo weliba Shaqsiyaadka aan ka tirsaneyn Dowlada ee hubka ku dhex wata gudaha iyo daafaha Magaalada Baydhabo.

Ibraahim Isaaq Yarow ma shaacin xilliga iyo goorta uu bilaabanaayo hawlgalkaasi, waxaana iminka socdo diyaarinta Ciidamdii sameyn lahaa Hubka dhigistaasi, inkastoo la Tilmaamay inay ka qeybqaadan doonaan Ciidamada Alf-grup oo laga qaadi doono Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka bilowday in dadka heysta ay hubkooda ku keydsadaan Howdka, halka kuwa kalane la sheegay inay u dhiibanayaan Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Maamulka ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com