Shirweyne looga hadlayo taageeradda DF oo dhowaan ka furmi doono Dubai

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal ka soo baxay Maamulka Sare ee Dekedda Caalamiga ee Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay qabanqaabiyaan Shirweyne bishan August 26-da, kaasi oo looga hadlayo xoojinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda.

Shirweynahaasi oo kii labaad ee looga hadlayo Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska Somalia ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaan horumarinta Kheyraadka Dabiiciga ee mustaqbalka , Ganacsiga, Ibedel iyo Ilaha muhiimka ee maalgashiga Somalia.

Qorshaha Madaxda Dekedda DP ayaa lagu sheegay inay Shirweynahaasi

isugu keeni doonaan 30-xubnood oo isugu jirta Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Madaxda Hay’addaha aan Dowliga ahayn, Ganacsatadda iyo Madaxda Wershadaha.

Agaasimaha Guddiga Fulinta ee Dekedda Dubai (DP World Group), Mohamed Sharaf ayaa sheegay inay muhiimadda tahay sidii loo sahmin lahaa Horumarinta wanaagsan iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo taageerayo dhismaha Awoooda Dhaqaalaha Somalia.

“Waxaan muhiimadda saaraynaa inaan maqalno Dhallinyarradda Somomaaliyeed iyo in lagu dhiirigeliyo horumarinta dalkooda iyo sidii loo dhisi lahaa Ganacsiyo Gudaha ah (Local Businesses)” ayuu yiri Mohamed Sharaf.

Waxa uu intaasi ku daray inay si wadajir uga shaqeyn doonaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabadda, HorumarintaDhaqaalaha iyo Shaqo-abuurista.

Xigasho: Arabian Supply Chain

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com