Feysal Cali Warabe oo wax kama jiraan ka soo qaaday doorashada GALAYR

Hargeysa (Caasimada Online) – Mid ka mid ah axsaabta mucaaradka Somaliland ayaa ka soo horjeestay doorashadda Cali Khaliif Galeyr loogu doortay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Khaatumo ay ka mid tahay Somaliland isla markaana wax maamul khaatumo la dhaho aan laga dhisi karin.

Mar uu ka hadlaayay doorashadda Cali Khaliif oo ka dhacday deeganka Saaxdheer ayuu sheegay in uu Cali Khaliif doonayo siddii uu maamulkaas ugu soo gali lahaa siyaasadda isagoo doonaya in uu xil ka qabto Somaliland ayuu yiri.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr in uu abaarayo colaad iyo naceyb dhexdooda ah oo dadka reer Somaliland ee deggan gobalada Sool, Ceyn iyo Buuhoodle.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Cali Khaliif Galeyr uu carruurtiisa soo dhigtay dalka Maraykanka isla markaana uu rabo dagaal uu ka holciyo deegannada Somaliland.

Waxaa la weydiiyay maxaa keenay isagoo mucaarad ah in uu u jawaabo Cali Khaliif Galeyr halkii maamulka Somaliland uu ka hadli lahaa.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay marka ay timaado qadiyadda Somaliland in uu xaq u leehay in uu difaaco oo uu ka hadlo.

Si kastaba, Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in uu diyaar u yahay dagaal uu ku xorreeyo deegannada Somaliland ay ka heysato maamulka Khaatumo State.

Cali Khaliif Galeyr ayaa horrey u sheegay in dadka reer Khaatumo ay diyaar u yihiin dagaal ay isaga xorreeyaan ciidamada maamulka Somaliland ilsla markaana ay xarun KMG ah ay ka dhiggan doonaan magaalada Laasacaanood oo hadda ay ku sugan ciidamada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com