28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Spain iyo Israa’iil oo ay ka dhex tafatay kadib markii Israa’iil ay xirtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Spain ayaa si kulul u cambaareysay xiritaanka mid ka mid ah muwaadiniinteeda oo ay ciidamada Israa’iil ku qabteen howlgal lala beegsaday kolonyo gargaar oo u socotay Marinka Gaza.

Ninkan u dhashay Spain ayaa ka mid ah laba qof oo weli xiran, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saarnaa kolonyadaasi oo isku dayeysay inay gargaar bani’aadamnimo gaarsiiso Gaza, balse lagu qabtay meel ka baxsan xeebaha Giriigga.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale xiray muwaadin u dhashay Brazil, iyagoo labadan qof ka qabtay biyaha caalamiga ah, kadibna u gudbiyay gudaha Israa’iil si su’aalo loo weydiiyo.

Dad kale oo badan oo ka mid ahaa rakaabkii markabka ayaa la sii daayay saacado kadib, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, José Manuel Álvarez ayaa ku tilmaamay xariggaasi mid “sharci darro ah”, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo muwaadinkiisa.

Wuxuu sidoo kale ka digay in tallaabada Israa’iil ay saameyn taban ku yeelan karto xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Madrid iyo Tel Aviv.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa sheegtay in dadka la xiray ay xiriir la leeyihiin ururro ay ku tilmaantay kuwo taageera Xamaas, inkastoo aysan soo bandhigin caddeymo faah-faahsan.

Kolonyadan gargaar ayaa ujeedkeedu ahaa in la jebiyo xayiraadda adag ee Israa’iil ku hayso Gaza, isla markaana gargaar bani’aadamnimo la gaarsiiyo shacabka halkaasi ku nool.

Arrintan ayaa sare u qaadaysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo qabashada dadkaasi ee biyaha caalamiga ah ay dhalisay su’aalo sharci oo la xiriira xeerarka caalamiga ah ee badaha.

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda si adag u cambaareeyay xarigga, kuna baaqah in la ixtiraamo xuquuqda dadka u ololeeya gargaarka bani’aadamnimo.

Dhacdadan ayaa kusoo aadayso xilli cadaadis caalami ah uu sii kordhayo oo lagu saarayo Israa’iil, si loo fududeeyo xayiraadda Gaza iyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah.

Si kastaba, Spain ayaa ahayd dalka ugu cadcad ee sida weyn u dhaliilay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, iyadoo bilowgiiba ku dhawaaqday inuu yahay mid sharci-darro ah, isla markaana u diiday Mareykanka inuu isticmaalo saldhigyadeeda milatari iyo hawadeeda si uu uga fuliyo hawlgallada dagaalkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News