32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Kenya oo taageero wayn u muujisay madaxweyne Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan wajahaya khilaaf gudaha oo ka dhashay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Aadan Barre ayaa shaaca ka qaaday in uu si buuxda u taageersanyahay qorshaha Villa Somalia ee ku aadan qabashada doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay ka biyo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale, wuxuu farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan dibadda, isaga oo ugu baaqay inay ku laabtaan dalkooda, ayna ka shaqeeyaan rabitaanka shacabkooda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aan ku taageersanahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, caqabadda siyaasadda halaga daayo, waxa aan siyaasiyiinta shaaha ku cabeysa Kenya, Uganda, Turkiga iyo Imaaraadka leeyahay dhex tega dadkiina oo ogaada” ayuu yiri Aadan Barre.

Hadalkan kasoo yeeray Kenya ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo ay dood ka taagan muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya oo mucaaradka ku doodayaan inuu ku egyahay 15-ka May 2026 oo ay ka harsan tahay maalmo kooban.

Shalay ayay ahayd markii siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen in aysan Xasan Sheekh u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.

Mucaaradka ayaa ku dooday in muddada dastuuriga ah ee madaxweynaha ay ku eg tahay 15-ka May, islamarkaana wixii maalintaas ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan “muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale.”

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa shir uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo 10-ka bishaan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo lagu casuumay xubnaha Golaha Mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News