XOG: BEELAHA HAWIYE oo billaabay in ay hubkooda ka rartaan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii dowladda ay Muqdisho ka billowday olole ka dhan ah hubka sharci-darrada, waxaa soo baxay warar sheegaya in beelaha Hawiye ee hubka heysta ay magaalada ka rartaan iyagoona geenaya goobo kale.

Ilo xog-ogaal ah oo diiday in aan magacooda u adeegsan warbaahinta ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in beelaha Habar-gidir, Murusade iyo Abgaal ay billaabeyn inay hubkooda u yaallay magaalada ay rartaan.

Meelaha qaar ayaa lagu akayay hub laga daad-gureenaayo kuwaasoo lagu raraayo gaadid waxaana si qarsoodi ah loogu qaaday magaalooyinka kale ee dalka.

Arrintan ayaa daba socota markii ciidamada dowladda ay billaabeyn howgallo ka dhan hubka sharci-darrada ee magaallada yaalla.

Dad badan ayaa aaminsan arrintan in ay dhallin karto dagaal sokeeye oo dib uga qarxa magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeeysay howgallada Muqdisho ka socda ee lagu aruurinaayo hubka sharci-darrada in uusan salka ku hayn cid ama shaqsi gaar ah ee uu yahay mid lagu adkeenaayo ammaanka caasimada.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shaley shir guddoominaayay shir xasaasi ah oo uu ka qeybgalay madaxweyne Xasan ayaa sheegay in madaxda dalka ay raalli ka yihiin howlgallada magaalada ka billowday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com