Daawo Sawirrada: Daacishta Soomaaliya oo soo bandhigay dagaal-yahannadooda

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ayaa maanta dagaal-yahano cusub ku soo bandhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Dagaal-yahanadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halkaasi, taasi oo lagu magacaabo Abu-Waliid Al-Saxraawe, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen.

Sawirro laga soo qaaday dagaal-yahanadaasi ayaa muujinaya iyaga oo tobabar ku qaadanaya gudaha xeradaasi, kuna hubeysan hub culus iyo kuwo fudud.

Sidoo kale dagaal-yahanada ayaa sameynayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga,

Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan maamulka Puntland oo ay dagaal kula jiraan, ayaa waxay muddooyinkii dambe waday is ballaarin, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah ka wady buuraleyda gobolka Bari.

Ma aha markii u horeysay ee Daacishta Soomaaliya ay soo bandhigto dagaalyahano ka tirsan oo tobabar ku qaadanaya xerooyin ku yaalla gobolka Bari, waxayna sidan oo kale dhowr jeer u soo bandhigtay dagaal-yahano badan.