Wararkii ugu dambeeyey ee labada qarax ee maanta ruxay Kampala + Khasaaraha

Kampala (Caasimada Online) – Laba qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaaday magaalada.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska.

“Waxaan dhihi karnaa kani waxa uu ahaa weerar, balse cidda ka dambeysay waa arrin baaritaan uu ku socdo,” waxaa sidaas yiri kaaliyaha kormeeraha guud ee booliska Uganda, Edward Ochom oo la hadlay AFP.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay.

“Kadib ficilkan nasiib-darrada iyo argagixisada ah, shaqaalaheena caafimaadka waxay si aan kala joogsi laheyn uga shaqeynayaan inay badbaadiyaan nolosha kuwa la dhaawacay,” ayuu yiri.

Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daadiyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarlamanka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka.

Qaraxyada mataanaha ee maanta ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF, oo Mareykanka uu la xiriiriyey kooxda Daacish.

Kulankii baarlamanka ee maanta ayaa la baajiyey kadib weerarada, waxaana xubnaha la weydiistay inay ka fogaadaan aagga.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan aagga, ayna xaaladda kala socdaan warbaahinta gudaha.

Booliska Uganda ayaa bishii tagtay xiray qof ka tirsan ADF, waxayna ka digeen in xagjiriinta la rumeysan yahay inay qorshaynayeen weerar lagu qaado “dhisme weyn”.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriirisay kooxda Daacish.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.

AFP + VOA