Baarlamanka Galmudug oo maanta gaaray go’aankii laga sugayey ee la xiriira Guriceel

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca degmanimo ee Guriceel oo ay hore ugu meel mariyeen golaha wasiirada shirkii lagu qabtay Guriceel bishii lasoo dhaafay.

Wasaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa maanta hor geysay baarlamanka qaraarkan oo warbixintiisa lagu caddeeyay in Guriceel ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa in ay noqoto degmo buuxda.

68-mudane oo fadhiga soo xaadirey ayaa dhammaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo Guriceel ka dhigaya degmo leh dhammaan xuquuqda ay leeyihiin degmooyinka kale sida mashaariicda hormarineed iyo golle deegaan.

Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug oo badi degaan doorashadoodu tahay degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay ansixinta degmannimo ee Guriceel.

Guriceel dhawaan waxaa ka dhacay dagaal socday ku dhawaad shan maalin oo xiriir ah kaas oo u dhexeeyay maamulka oo kaashanaya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya.

Guriceel waxaa lagu tilmaamaa degmada ugu bulshada badan ee Galmudug, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh, inkastoo bishii lasoo dhaafay ay gashay xaalad dagaal, waxayna hadda u muuqataa in si tartiib tartiib ah ay caadi ugu soo laabatay labadii todobaad ee u dambeeyay.