Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalada madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa qalqal galiyay saacadihii ugu danbeeyay amaanka xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Ilaaladaani ayaa gudaha Villa Somalia ka dhexwada nidaam khilaafsan kan xarunta, waxa ayna sidoo kale qalqal galiyeen amaanka wakiilada beesha caalamka ee ku dhexsugan xarunta.
Kaamiradu waxa ay qabaneysay ilaalada Gaas oo qoryo kula jira luuqyada Villa Somalia, taasi oo walaac ku beertay Ciidamada koofi casta ee ka howlgala Villa Somalia.
Ilaalada C/wali Gaas ayaa sidoo kale qoryaha ku taagaayay dadka ay ka shakiyaan, waxa ayna taasi keentay in Saraakiisha ciidamada Dowlada ee Villa Somalia ay dacwad ka gudbiyeen ilaalada.









