Shirar aan loo dhameyn oo ka socda V/Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Villa Somalia dib uga bilowday shirar gaar gaar ah kaasi oo u dhexeeya qaar kamid ah madaxda dalka iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Kulamada xoogiisa ayaa u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, xubno ka tirsan Xukuumada iyo labada madaxweyne ee kala ah Shariif Xassan iyo Gulleed.

Ujeedka kulamadaani ayaa ah mid lagu soo gunaanudaayo shirarkii mudada dheer qaatay ee khilaafka ka dhex abuuray madaxda dalka iyo kuwa maamulada ee iyagu sida ba’an kaga soo horjeeday in Somalia looga sii shaqeeyo 4.5, hayeeshee ugu danbeyntii qaatay go’aankaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa mahad celin usoo jeediyay madaxweynayaasha Koonfur galbeed, Jubbaland iyo Galmudug oo iyagu u hogaansamay qaadashada 4.5, waxa uuna Jawaari shirarka socda Seddexdaasi mas’uul ugu ballanqaadayaa in miisaan ay ku yeelan doonaan doorashada dalka ka dhici doonta.

Shirarkaani hadda ka socda Villa Somalia ayaa waxaa gooni ka ah madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo isagu carro ka qaaday Natiijadii kasoo baxday shirka madasha wadatashiga aayaha Somalia.

Lama oga sababta shirarkaasi socda uu C/wali Gaas uga qeybgali waayay inkastoo ay arrintu tahay mid u muuqaneysa gooni isku taag ka dhashay natiijada shirka kasoo baxday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com