XOG: Michael Keating oo u digay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay xal u helida muranadii ka dhextaagnaa Madaxweyne Xassan Sheekh, Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas kaasi oo salka ku hayay qaadashada nidaam lagu mideysan yahay oo suuragalinkara doorasho aan muran dhalin.

Michael Keating ayaa madaxweyne Xassan Sheekh garab kusiiyay in Xildhibaanada imaan doona lagu soo xulo qaab 4.5, si Somalia aysan uga bixin burburka iyo nin jecleysiga ku hoos duugan nidaamkaasi beelaha leysku xulanaayo.

Michael Keating oo garab boodaaya madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu C/wali Gaas uga digay inuu carqaladeeyo heshiisyada kasoo baxay shirka wadatashiga, waxa uuna u bidhaamiyay in shaqsi ahaantiisa uu heshiiska khilaafi karo balse uusan abaabulikarin qorshooyin lagu caqabadeynaayo heshiiska.

Sidoo kale, Mr Michael Keating, waxa uu madaxweyne Xassan Sheekh ugu baaqay in si dhaqsi ah uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ka hor inta aan madaxda maamulada dalka ka safrin magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Michael Keating ayaa waxa uu Xassan Sheekh isna kaga digay in dib uu usoo nooleeyo qodobadii shirka madasha dheereeyay, waxa uuna ugu hambalyeeyay guusha laga gaaray shirka madasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com