Daawo Sawirrada: Muxuu ku saabsanaa shirkii DF iyo beesha caalamka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Xubnaha Beesha Caalamka ka socday ee shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika  Ambassador Francisco Madera iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar.

Shirkan oo ahmiyad gaara u lahaa dalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga dalka iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka  Belgium-ka.

Shirka Brussels ayaa looga hadli doonaa wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika.

Waxaana Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka loogu soo bandhigi doonaa Beesha Caalamka Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya u dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee Dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay ujeedada in ay tahay in la ogaado baahida ay qabaan Ciidamada iyo sidiii loo siin lahaa Sahnad Millitari oo ku filan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium ay booqdeen xubno ka socda Wasaaradda Amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Beesha Caalamka, waxaana loogu kuurgalay sidii Wasaaradda Dhalinyarada ay ula wareegi laheyd Garoonka marka ay AMISOM ka baxaan.