Fiqi oo Su’aalo ka keenay Dastuurka la sheegay in la helay ” Saca Naasa Adag iyo Weedha maxaa kulmiyay..”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo badan ka keenay Dastuurka uu Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Muudey uu sheegay inuu lumay oo haddana lasoo helay.

Fiqi ayaa tilmaamay in Dastuurkii la sheegay inuu lumay ay ku qorneyd inuu madaxweynaha xilka heyn karo ilaaa 4 sano halka midka la sheegay in lasoo helay uu qorayo inuu Madaxweynaha xilka heyn karo ilaa 5 Sano.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu jiro farqi u dhaxeeyo dhanka tirada xildhibaanada, wuxuuna xusay in dastuurkii la sheegay inuu lumay ay ku qorneyd inay xildhibanada yihiin ilaa 275 Xildhibaan halka dastuurka hadda la helay ay ku qoran tahay inuu Baarlamaank ka kooban yahay ilaa 225 Xildhibaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook:

Waxaa maanta golaha shacabka kulankiisii ajenduhu ahaa hadaljeedinta musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha lagu qaybshay dastuurkii la xaday ee maalmahaanba hadal hayntiisu badnayd..

Bulshadu waxey xaq u leedahay in ay wax ka ogaato dastuurka dalka u yaalla, balse waxaa la yaab lahayd hadal kadis umadda ku noqday oo uu jeediyey guddoomiye Muudey dhowr casho ka hor oo loo heystay in uu ahaa hadal carrabku ka dafey inuu maanta golaha shacabka ku qeybiyey nuqul uu ku sheegay inuu yahay dastuurkii asalka ahaa oo ka bedelan midka la isticmaalo hadda.

Haddaba maxey ku kala duwan yihiin dastuurka dalka laga isticmaalo & kan M.ne Muudey uu ku sheegay kii la xadey balse ayadoon xoog badan lagu bixin baadigoobkiisa sida fudud loo soo helay!
1. Dastuurka la xadey qodobkiisa 9-aad wuxuu inkirayaa caasimadda dalka, wuxuuna ka dhigay mid muran ka taagan yahay, halka dastuurka dalka u yaalla isla qodobka 9-aad uu muujinayo caasimaddu in ya tahay magaalada Muqdisho.

2. Dastuurka la xadey qodobkiisa 91-aad wuxuu sheegayaa in mudada xil-haynta madaxweynaha dawladda federaalka ah ay tahay 5 sano, halka midka dalka laga isticmaalo isla qodobkiisa 91-aad ay sheegayso 4 sanadood.

3. Dastuurka la xadey qodobkiisa 65 (2) waxaa ku qoran in tirada xubnaha golaha shacabku tahay 225 xildhibaan, balse dastuurka dalka laga isticmaalo qodobkiisa 64 (2) waxaa ku qoran in tirada xildhibaanada golaha shacabku ay tahay 275 xildhibaan.

Haddii Dastuurka la xaday dhexdiisa caasimadii dalka lagu xadey, dhanka kalena hal sano laga xadey mudadii xil-haynta Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo in tirada xildhibaana golaha shacabku uu 50 xildhibaan dheeri ku tahay oo ayana la soo xadey! Guddoomiye Muudey-na uu barlamaankii 9-aad ku jiray, midka 10-aadna sanad iyo ka badan guddoomiye ku xigeenka koowaad ka ahaa muxuu u soo bandhigi waayey mudadaas 6-da sanadood ah oo ku soo aadiyey 15-kii maalmood ee uu ku simaha guddoomiyaha ahaa, isla markaana maanta loo qeybiyey asagoon ajendaha barlamaanka ku jirin?

Mawduucan cusub ee la furay wuxuu dalkii ka dhigay bilaa dastuur, bilaa caasimad iyo in madaxweynaha Farmaajo uu hal sano oo madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh waqtigiisii xilhaynta uga harsanayd uu ka qaatay & barlamaan sharci-darro ah oo 50 xildhibaan oo dheeri ah dhexfadhiyaan oo lay dhici kasrto in Muudey laftiisu uu ka noqon karo kontonkaas haddii dib loo xisaabtamo!!

Siday rabtaba ha noqontee mawduucani wuxuu albaabada u furi doonaa dood weyn oo kashifi doonta danta qarsoon ee laga lahaa arrintaan! War jiraaba cakaaruu iman!!