Akhriso: Muudeey oo soo bandhigay Dastuurkii uu dhawaan sheegay in la xaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Ku-simaha Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia usoo bandhigay dhammaan qodobo la sheegay in laga saaray Dastuurka dalka kuwaa oo uu dhawaan sheegay in ‘’La xaday’’.

Muudeey, ayaa sheegay in marka hore uu Dastuurku ahaa mid si caadi ah loogu shaqeynaayay qodobadiisa, hase ahaatee markii danbe loo tashtay qodobada qaar isla markaana la xaday.

Muudeey ayaa tilmaamay in Dastuurka dalka aan la bedeli Karin iyadoo aan dib looga wada tashan sidaa aawgeed la doonaayo in leysla wada arko ciladaha uu qabo Dastuurka.

Nuqul ka mid ah Dastuurka xildhibaanada loo qeybiyey ayaa ka mid ahaa Dastuurkii ay sanadkii 2012 ay ansixiyeen ergada.

Waxaa kamid ahaa qodobada loo qeybiyay Xildhibaanada ee cajiibka ah in ‘’wakhtiga xilheynta Madaxweynaha uu yahay 5sano laga bilaabo maalinta la doorto’’.

Sidoo kale, qodobada leysku hayo ayaa waxaa kamid ah in Madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka hadii ay timaado arrin xasaasi ah oo saameyn ku leh Baarlamaanka Soomaaliya.

Muudeey ayaa horay u sheegay in la xaday Dastuurka Somalia, isla markaana laga saaray qodobo muhiim ah, iyadoo uu ujeedku ahaa in Madaxdii hore ay ku raagan xilka.