Warar dheeraad ah oo laga helayo hub laga bixiyay xerada Jeneral Gordan oo Muqdisho lagu iibiyo

Muqdisho (caasimadda Online) – Warbixin dheer oo ay qortay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu sheegay in magaalada si caadi loogu iibinayo hub laga qaaday xerada ay dawlada Imaaraatka Carabtu ku tababartay askar Soomaali ah.

Wakaaladda wararka Reuters waxaa ay sheegtay ayadoo soo xiganaysa dad hubka ka ganacsada ayaa sheegay in suuqyo ku yaala magaaladda Muqdisho lagu iibiyay hub gaaraya 6 illaa 700 oo qori oo nooca AK 47 ah kuwaasoo ay wakaaladu sheegtay in ciidamo ka qaateen xerada Jen Gordon oo Imaaraatku maamuli jiray.

Qaar ka mid ah qoryaha lagu arkay suuqyada Muqdisho ee ay iska iibiyeen ciidamadii Imaaraatku tababaray waxaa ku jira qoryo cusub Shiinaha lagu farsamayeeyay sida ay ku waramayso wakaaladda aanu xiganayno ee Reuters.

Qof magaciisa la qariyay oo ay wakaaladdu sheegtay inuu ka mid yahay dadka hubka ka ganacsada ayaa sheegay in askartii Imaaraatku tababaray ay qaateen hubkii xerada yaalay kadibna ay suuqyada u beec geeyeen ayagoo xeelado kala duwan adeegsanaya waxaana bogga wakaaladda wararka Reuters lagu soo banndhigay sawiro laga soo qaaday qoryaha la sheegay in xerada lagala baxay.

Ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha qoriga Ak ah oo suuqyada Soomaaliya hadda ka jooga lacag gaaraysa 1,350 Dollar waxaa askarta laga siiyay 700$ oo kaash ah sida laga soo xigtay qof ay wakaaladdu magaciisa ku sheegtay Jaamac Cali oo hubka ka ganacsada.

Ganacsatada ayaa bilaabay in qoryahaas hadda sii iibiyaan lacag dhan kun Dollar qorigiiba.

Sida wakaaladda Reuters sheegay qoryahaan waxaa ku sumadaysan oo ku dul qoran Xarafaha “SO, XDS” oo laga soo gaabiyay ciidanka Xooga dalka Soomaaliya taasoo ka dhigan inuu yahay hub loogu talo galay ciidanka Soomaaliya.

Shaqaalaha dekeda weyn ee Muqdisho ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay arkeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo lagu rararo konteenaro ay jireen hub fara badan iyo gaadiidka gaashaaman ee ciidamadu adeegsadaan kuwaasoo ay dawlada Imaaraatku Soomaaliya ka raratay markii ay go’aansatay inay joojiso tababark a ciidamada Soomaaliya.

Warka ah in hub lagala baxay xerada ciidamada ee Jen Gordon waxaa uu soo baxay maalintii Isniinta markaa oo uu iska hor imaad waqti qaatay uu ka dhacay.

Taliyaha ciidamada Xooga Soomaaliya oo mar warbaahinta gudaha la hadlayna waxaa uu sheegay in lasoo qabtay askar lagu tuhmay inay dambeeyeen dhacdadii Isniintii.

Maalintii isniintii lasoo dhaafay ayuu iska hor imaad ka dhacay xaruntaas, dad goobjoogayaal ahna waxa ay sheegeen in ay arkayeen askartii tabobarka ku jirtay oo dareeska iska siibaya, kadibna qoryaha lasii baxsanaya iyaga oo isticmaalaya bajaaj.

Ciidanka illaalada madaxtooyada ayaa la sheegay in ay markii dambe la wareegeen xarunta.

Imaaraatka ayaa rartay qalab badan oo ka yiilay Muqdisho, waxayna joojiyeen barnaamijkii tabobarka ciidanka kadib markii dowladda Federaalka ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarad siday lacag malaayiin doolar ah oo ay Imaaraatka sheegeen in loo waday ciidanka tabobarka ku jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin hubkan la boobay, lamana oga halista uu u geysan karo amniga caasimadda oo markii horeba lala tacaalayay.

Xigasho: Wakaaladda Wararka Reuters.

Radio Kulmiye

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com