Maxaa kala socotaa heshiis qarsoodi ah oo uu Axmed Madoobe ku saxiixay Imaaraadka?

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Pultland Cabdiweli Gaas ayaa si cad u shaaciyey in Maamulka Puntland uusan ku xirneyn dowladda dhexe isla markaasna ay heshiis la geli karaan dowlado shisheeye iyo shirkado, Hase ahaate waxaa qarsoodi ahaa oo aan warbaahinta laga sii shaacin safarka uu Axmed Madobe madaxweynaha Jubaland ku tagay dalkaasi Imaaraatka.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in labada madaxweyne ee Puntland iyo Juba-land ay madaxda Imaaraatka la yesheen shirar dhowr ah oo looga hadlayay xiisada todobaadyadi ka dhex jirta Soomaaliya iyo Imaaraatka ee dhanka dublomaasiyada ah.

Warar hoose oo laga helay dad ka ag dhaw labada madaxweyne waxaa ay sheegayaan in heshiisyo qarsoodi ah ay dowlada Imaaraatka kala saxiixatay madaxweynayasha Puntland iyo Jubaland ee ku sugan dalka Imaaraadka.

si rasmi ah looma oga waxa ay heshiisyada quseeyaan waxaase jirta in wajiga labaad ee dhameystirka heshiiska dekada Boosaaso ay kulamadaan qaar kood la xariiraan.

Dalka Imaaraadka ayaa inta badan waxaa ka dhaca kulamo looga hadlo arimo la xiriiro siyaasada isla markaana aysan ka war qabin dowlada Soomaaliya.

Tagista madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee dalka Imaaraatka ayaa imaaneysa iyadoo Imaaraadka ay hakad fgelisay taageradi ay siin jirtay dowlada Soomaaliya ee dhanka tabarbarka Ciidamada ah sido kale na ay albaabada u laabtay isbitaal ka furnaa Muqdsho, agab badan oo ka yaalay magaalada Muqdishana ay maalmo Maraakiib ku raranayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com