Maxkamadda Hargeysa oo xabsiga dib ugu celisay Boqor Buur Madow kadib markii lagu xukumay 5 sano

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maxkamadda Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun xabsi ah ku riday Boqor Cismaan Buurmaddow oo ka mida salaadiinta waaweyn ee degaanada Gobollada Waqooyi.

Xukunkan ayaa ka danbeeyay markii saaka maxkamadda Hargeysa ay u fariistay kiiskiisa iyadoo uu markii hore damaanad lagu sii daayay, balse ay ku socotay maxkamadda, waxaana lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

Madaxweynaha Puntland oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in Boqor Buurmadoow uu dhinaca Somaliland ka dhaadhiciyo arrintaas dhinaciisana uu diayaar u yahay,markii uu ku laabtay Hargeysa ayaa la xiray inkasta oo markii dambe la siidaayay,haddana maanta ayaa Maxamadda Hargeysa ku xukuntay shan Sano oo Xabsi ah.

Xukunka markii uu dhacay Kaddib ayaa Ciidanka Booliska ee Maamulka Somaliland waxaa ay Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadoow u kaxeeyeen Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa,  iyadoo la sheegay inuusan iibsan karin xarigaasi, balse uu madaxweynaha maamulkaasi uu cafin karo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com