C/weli Gaas “Soomaaliya ma aha Muqdisho, Muqdishana ma aha Soomaaliya..”,

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shir jaraa’id ku qabtay goor dhoweyd magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, isagoo uga dhawaaqay in Puntland ay xaq u leedahay inay heshiisyo la gasho dalal kale iyo shirkado.

Madaxweyne Gaas ayaa si weyn ugu bogaadiyay dowladda Imaaraadka Carabta inay yahay dalka ugu weyn ee maalgeliya maamulkiisa, kana taageera dhinac waliba. Sidoo kaleba Imaaraadka uu yahay dalka ugu weyn oo ganacsiga la leh Somalia, ayna ka shaqeystaan kumanaan Soomaali ah.

C/weli Gaas oo soo qaatay Federaalka Soomaaliya ayaa ku sharxay inaysan awoodda dalka ahayn mud ku urursan Muqdisho, wuxuuna yiri: “Soomaaliya ma aha Muqdisho, Muqdishana ma aha Soomaaliya..”, isagoo caddeeyay in maamulkooda uu awood u leeyahay inuu heshiisyo la galo dowlado shisheeye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in la dhisay sanadkii 2004, laakiin ay Puntland ka horeysay oo ay soo dhisneyd ilaa sanadkii 1998, wuxuuna soo daliishaday Qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland , kaasoo uu sheegay inuu awood u siinayo maamulka Puntland inay heshiisyo caalami ah gasho.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha Puntland