Akhriso 13 qodob muhiim ah oo laga soo saaray shirka guud ee amniga Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kusoo idlaaday shir muhiima oo looga hadlayay amniga dalka.

Mas’uuliyiinta kasoo qeybgashay shirka ayaa ka kala socday wasaaradaha amniga Dowlada, maamul goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Shirka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxaa si guud diirada loogu saaray amniga guud ee dalka, waxaana gabagabadiisa laga soo saaray 13 Qodob oo khuseeya amniga.

HOOS KA AKHRISO 13-KA QODOB EE LAGA SOO SAARAY SHIRKA:

1-In la dardargeliyo howlaha amniga ee dalka, ciribtirka argagaxisada, lana sameeynayo xiriir joogto ah.

2-In loo guntado tayeenta iyo dib u dhiska hay’adaha amniga, loona howlgalo sidii loo dhammeystiri lahaa baahida iyo agabka ay u baahan yihiin.

3-In la tayeeyo Booliiska Labadiisa heer, lana soo bandhigo baahida Booliiska Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

4-In la isku waafaqay mashruuca qorshaha dib u dhiska Booliiska oo ay ku bahoobeen dowladaha Jarmal, UK iyo Midowga Yurub

5-Waxaa la isla waafaqay in la dardargeliyo lana diyaariyo xilliga kala guurka ah

6-In la dardargeliyo tirakoobka ciidamada Booliiska guud ahaan meel walbo oo ay joogaan

7-Waxaa la isla afgartay in guddiga wasiirada amniga yeeshaan shir Saddexdii bilba mar

8-Wasaaradda amniga in ay dabagal buuxa ku sameyso taliyeyaasha ciidamada Booliiska fulinta nidaamka Booliiska cusub

9-In la xoojiyo nidaamka cusub ee Booliiska

10-In la dardargeliyo isku xirka, wada shaqeynta, xog is weydaarsiga hay’adaha amniga

11-Sameynta xafiis guud oo xog uruurin iyo xog is weydaarsi ah

12-In la mideeyo tababarka iyo manjhaka booliiska Labada heer si waafaqsan nidaamka Booliiska cusub

13-In dib loo howlgeliyo akadeemiyadii Carmo.

Dhinacyada qeybta ka ahaa shirka ayaa isku raacay in si rasmi ah loo dhaqan galiyo qodobada kasoo baxay shirka oo lagu sheegay kuwa muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com