Keating oo sheegay sifaha gudoomiyaha cusub ee BF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, Micheal Keating, ayaa ku baaqay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay ka fiirsadaan cida ay u dooranayaan Gudoomiyaha.

Micheal Keating, waxa uu sheegay in la doonaayo in baarlamaanka Somalia loo soo xulo Guddoomiye cusub oo ka firfircoon Gudoomiyihii xilka iska casilay.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay si guul loo gaaro in Xildhibaanada ay la imaadan go’aan ay kusoo saarayaan Gudoomiye da’yar oo u nugul xisilinta iyo cadaalada Somalia.

Micheal Keating, waxa uu tilmaamay in beesha caalamka ay mar waliba taageeri doonaan cid ay Xildhibaanada u doortaan Guddoomiyaha, hase ahaatee la doonaayo inuu dhaco isbedel dhab ah.

Xildhibaanada ayuu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan cida ay siinayaan kalsoonida codka, si buu yiri loo helo Guddoomiye hirgaliya isbedel dhab ah.

‘’Guddoomiyaha la doonayo waa inuu la imaankaraa isbedel dhab ah, waayo baarlamaanka waxa uu u baahan yahay Gudoomiye lagu qancikaro sifaadkiisa oo ay ka go’an tahay mideynta iyo dhex dhexaadinta xaalad waliba oo kusoo kororta dalka’’

Sidoo kale, Micheal Keating, ayaa madaxda ugu sareysa dowlada Somalia ugu baaqay inay is garabtaagan cida u qalanta xilka Guddoomiyenimo ee baarlamaanka.

Haddalka Micheal Keating, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo la filaayo in Xildhibaanada baarlamaanka 30-ka bishan ay dooran doonaan guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com