Akhriso magacyada musharaxiinta maanta jeedineysa khudbadaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa khudbad jeedinta Musharaxiinta u tartameysa doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Khudbad jeedinta musharaxiinta ayaa bilaabatay maalinimadii shalay waxa uuna qorshuhu yahay in maanta lasoo afmeero.

Maalinimadii shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa 6 Musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna ka hadleen mid walba waxa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto xilka.

Sidoo kale maanta lagu wadaa in ay khudbado jeediyaan ilaa Shan Musharax oo ah kuwa harsan, waxaana ugu dambeyn la soo gaba gabeyn doonaa gelinka dambe ee maanta.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

2- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

5-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Maalinta Isniinta ah oo Taarikhda ay ku beegan tahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga ku aadan Doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com