Daawo sawirro cusub oo muujinaaya meydka Cali Cabdalla Saalax

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay magaalada Sanca, sida lagu sheegay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuthiyiinta.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in la afjaray dhibaatada maleeshiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.

Muuqaal u eg maydka Saleh, oo lagu soo bandhigay warbaahinta bulshada ayaa muujinaya sida maleeyshiyaad hubaysan ay u isticmaaleen buste inay ku duubaan maydka si ay u saaraan gadaasha gaari xamuul ah.

Xubno ka tirsan Xisbiga Saalax ayaa sheegay in uu run yahay warka ku saabsan dilka madaxweynihii hore ee dalkaasi Yemen Mr Salah, kaddib duqeyn culus oo loo geystay gurigii uu ka degenaa magaalada Sanca.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah, TV-ga Al-Carabiya iyo Aljazeera ayaa si wada jira u shaaciyay geerida Cali Cabdala Saalax, inkastoo Aljazeera iyo Al-Carabiya ay mugdi yar glinayaan xiliga tabinta.

Maanta, salaadii duhur ka dib, guriga Cali Cabdalla Saalax ayaa la qarxiyay. Weli ma cadda in Saalax uu ku jiray guriga, balse saacado ka dib qaraxa, waxaa soo baxay wararka sheegaya in uu dhintay.

Taageerayaasha Saalax ayaa ku biiray kacdoonka Xuutiyiinta ee lagu qabsaday Sanca 2014. Horraantii sannadkii 2015, madaxweyne Haadi wuxuu ku qasbanaaday in uu Cadan u guuro, ka dibna Sacuudiga. faragelinta isbeheysiga Sacuudiga ayaan ah in Haadi dib loogu celiyo maamulka dalka Yaman.

Wararka ku saabsan dhimashada Salah ayaa u muuqda kuwo wali isku dhax yaacsan oo aan la hubin, laakiin haddana marka la eego muuqaalada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa shaki badan galin kara nolasha madaxweynaha.