Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkaani ismiidaaminta ah ayaa waxaa lagu qaaday Hoteel Ambassador ee maagalada Muqdisho kaasi oo ku dhinac yaal Isbitaalka Daaru’shifa ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana xigay weerar kooxo hubeysan ay gudaha ugu galeen Hoteelka, sida ay sheegeen dadka ku sugan agagaarka hotelka oo ah meel kasoo horjeeda daarta Three Biyaano.
Nuux Maxamed oo kamid ah dadka ku hor ganacsada Hoteel Ambassador, ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah, waxa uuna tilmaamay in gudaha Hoteelka laga dhex maqlaayo Qaraxyo iyo Rasaas xoogan.
Nuux waxa uu sheegay in Qaraxa oo lagu soo xiray gaari lagu dhuftay afafka hore ee Hoteelka waxaana xigay in maleeshiyo Hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka.
Hoteelka ayaa waxaa degan mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee Dowlada, waxa uuna Ambassador kamid yahay Hoteelada aan horay uga dhicin weerarada.
Ilaa iyo hadda si dhabba looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka hotelka waxaase soo baxaya warar sheegaya in dhimashada shan ruux la xaqiijiyay.
Ambassador, ayaa ku yaalla meel aad u mashquul badan waxaana dhinacyada ku haya goobo ganacsi oo aad u farabadan.
Sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya uuro cirka isku shareereysa oo ka dhalatay qaraxa xoogan oo maqribnimadan laga maqlay degmooyin dhowr ah oo ku yaala gobolka Banaadir.






